Raheem Sterling oo Shardigaan culus ku xiray inuu heshiis cusub u saxiixo Manchester City

(Manchester) 14 Sab 2018 Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Manchester City ee Raheem Sterling ayaa hal shardi oo culus ku xiray inuu sii joogo kooxdiisa.

Maamulka Manchester City ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii Raheem Sterling looga saxiixi lahaa heshiis cusub kadib markii uu la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah.

Image result for Sterling De Bruyne

The Sun ayaa baahisay in Raheem Sterling uu shardi uga dhigay saxiixida heshiiska cusub in la siiyo mushaar lamid ah kan uu kooxda ka qaato De Bruyne.

Sterling ayaa doonaya in mushaarkiisa loogu daro 100 kun oo Ginni isbuucii si uu u gaaro 275 kun oo Ginni isbuucii taas oo ka dhigaysa inuu kamid noqdo ciyaartoyda ugu mushaarka badan Premier League.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay wadahadal yeeshaan wakiilada Raheem Sterling iyo maamulka Manchester City si loo gaaro xal kama danbays ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close