Nasser Al-Khelaifi oo sababtaan darteed uga niyad jabsan Real Madrid

(Paris) 14 Sab 2018 Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa daaha ka qaaday inuu ka niyad jabsan yahay Real Madrid.

Kooxda reer Spain ayaa ka dhamaan la’a isku dayga saxiixa xiddiga PSG iyo xulka Brazil ee Neymar, waana sababta keentay in Nasser Al-Khelaifi uu ka xumaado Real Madrid.

Nasser Al-Khelaifi oo ka hadlay wararka marwalba Real Madrid la xiriiriya Neymar ayaa yiri:

“Waa wax laga xumaado waayo cadaalad ma ahan in kooxaha kale ay la hadlaan ciyaartoydeena, arinkaas waa mid aanaan la dhacsanayn marnaba”.

“Real Madrid waa kala hadalnay arinkaas, waxaan la leenahay xiriir aad u wanaagsan, wayna na ixtiraamaan, anaguna waan ixtiraamnaa Real iyo Florentino Perez”.

Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyay in Neymar uu la dhacsan yahay PSG isla markaana uu doonayo inuu guulo la gaaro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close