Manchester United iyo Chelsea oo isku haysta saxiixa Aaron Ramsey

(London) 14 Sab 2018 Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey.

Qandaraaska Aaron Ramsey ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, kooxda ayaana ku guul daraysatay ilaa haatan inay ka saxiixdo heshiis cusub.

Halyeeygii hore ee Arsenal ee Nigel Winterburn ayaa sheegay in Ramsey uusan saxiixi doonin heshiiska cusub ee Arsenal ilaa uu ka arko halka ay ku dhamaysanayso kooxda xiliciyaareed kaan.

Image result for Ramsey United Chelsea

“Waxaan rumaysanahay in Ramsey uusan diyaar u ahayn inuu Arsenal u saxiixo heshiis cusub waayo wuxuu doonayaa inuu arko halka ay ku dhamaysanayso kooxdu xiliciyaareed kaan” ayuu yiri Nigel Winterburn.

“Waxaan rumaysanahay in kooxaha Chelsea iyo Manchester United ay si xoogan ugu dagaalami doonaan saxiixiisa haddii uu doorto ka tagista Arsenal”.

Nigel Winterburn ayaa xaqiijiyay in Ramsey uu jecel yahay Arsenal balse uu doonayo inuu qolka labiska ku helo ciyaartoy leh tayo sare.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close