“Lama yaabi doono haddii Pogba uu dib ugu laabto Juventus” – Andrea Pirlo

(Turin) 14 Sab 2018 Andrea Pirlo ayaa sheegay inuusan la yaabi doonin haddii Paul Pogba uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus.

Pogba ayaa si wayn loo la xiriirinayaa dib ugu laabashada Juventus gaar ahaan markii kooxdu ay dhamaystirtay saxiixa Cristiano Ronaldo.

Image result for Pirlo Pogba

Andrea Pirlo ayaa intaa ku daray in Juventus ay awoodo inay dib u hesho Pogba maadaama marwalba ay raadiso xiddigaha ugu wanaagsan adduunka.

“Lama yaabi doono haddii Paul Pogba uu dib ugu laabto Juventus maalin uun, waayo Juventus waxay raadisaa xiddigaha ugu fiican” ayuu yiri Andrea Pirlo.

“Haddii mid kamid ah xiddigaha Juventus uu baxo ma jiro qof dhihi kara sooma laaban karo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close