Barcelona oo xiddig muhiim ah ka doonaysa Arsenal suuqa Janaayo

(Barcelona) 14 Sab 2018 Barcelona ayaa indhaha ku haysa mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan Arsenal si ay ula saxiixato suuqa Janaayo.

Maamulka Barcelona ayaa u arka 32 jirka reer Spain ee Nacho Monreal badalka ku haboon ee Lucas Digne kaas oo ku biiray Everton suuqii xaggaaga sida ay baahisay Mirror.

Image result for Nacho Monreal Barcelona

Arsenal ayeey u badan tahay inay diidi doonto bixida Nacho Monreal maadaama uu yahay xiddigaha laf dhabarta u ah shaxda tababare Unai Emery ee xiliciyaareed kaan.

Nacho Monreal ayaa si wayn ugu faraxsan sii joogida kooxdiisa Arsenal, mana ku fikirayo haatan inuu dib ugu laabto La Liga oo uu ka soo tagay 2013.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close