Andrea Pirlo oo sheegay magaca laacibka ay haboon tahay inuu marwalba ka garab ciyaaro Ronaldo

(Turin) 14 Sab 2018 Halyeeyga kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa daaha ka qaaday magaca laacibka aadka ugu haboon ka garab ciyaarida Ronaldo.

Laacibka reer Portugal ayaa ilaa haatan ku dhiban inuu goolkii ugu horeeyay u dhaliyo Juventus tan iyo sidii uu u bilowday xiliciyaareed kaan.

Image result for Mandzukic Ronaldo

Andrea Pirlo ayaa rumaysan in Mario Mandzukic uu yahay xiddiga ugu fiican ee qaybta weerarka lamaane kula noqon kara Cristiano Ronaldo.

“Ronaldo waxaa haboon inuu ku soo bilowdo garabka bidix, sidaas darteed wuxuu u baahan yahay laacib aad ugu dhaw isaga, Mandzukic ayaana ah laacibka ku haboon ka garab ciyaaridiisa” ayuu yiri Andrea Pirlo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close