“Aabahay wuxuu ku fashilmay inuu iga joojiyo cabista sigaarka muddo 20 sano ah”… Maurizio Sarri

(Chelsea) 14 Sab 2018. Tababaraha kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka hadlay xaaladiisa ku aadan sigaar cabista uu ku caan baxay tan iyo inta uu ku sugnaa kooxda reer Talyaani ee Napoli.

Maurizio Sarri ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka ay Sabtida kula ciyaari doonaan kooxda Cardiff City horyaalka Premier League, waxaa wax laga weydiiyay in aabihiis uu isku dayay inuu ku qanciyo joojinta sigaarka wuxuuna kaga jawaabay.

“Maya ma joojinayo, ma awoodo in xiligaan aan sidaas sameeyo, aabbahay wuxuu isku dayay inuu igu qanciyo inaan joojiyo mudo haatan laga joogo 20 sano, laakiin kuma uusan guuleysan”.

“Aabahay waa kan kaliya ee awooda inuu badalo fikirkeyga, laakiin ma uusan ku guuleysan inuu iga joojiyo, sigaar cabista, sababtoo ah wakhtigaas ma aanan awoodin inaan joojiyo”.

“Waxaa laga yaabaa inaan cabista sigaarka joojiyo sanad ama laba sano marka ay ugu badan tahay, dib ayaana markale u bilaabi doonaa sigaar cabista markale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close