Manchester United oo dalab qaali ah ka gudbisay Raphael Varane si ay u hesho saxiixiisa

(Manchester) 13 Sept 2018. Manchester United ayaa dalab xoogan u soo bandhigtay daafaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, sida ay warisay warbaahinta dalka England.

Raphael Varane ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United isbuucyadii u danbeysay ka dib marka ay soo baxeen warar ku aadan in Zinedine Zidane la filayo inuu badal u noqdo Jose Mourinho.

Mundo Deportivo ayaa laga soo xigtay in Manchester United ay xiiseyneysay saxiixa Raphael Varane muddo dhowr bilood ah, isla markaana ay ka gudbiyeen qiimo dhan 100 milyan ginni.

Wargeyska ayaa sheegay in Real Madrid ay iska diiday dalabka kaga yimid kooxda Manchester United, xili sidoo kale laacibka uu isna xiligan ku fikireynin inuu ka dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabeu.

Raphael Varane ayaa ahaa bar-tilmaameedka koowaad ee tababare Jose Mourinho si uu ugu xoojisto qeybta difaaca dambe, waxaana ay kooxdu isku dayday inay wadahadal la gasho Real Madrid, intii lagu jiray safarka caalamiga ah ee Mareykanka, laakiin Los Blancos ayaa si cad u sheegtay in Varane uusan iib ahayn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close