Luke Shaw oo laga reebay kulanka ay Man United u safreyso Watford balse…

(Manchester) 13 Sab 2018. Luka Show ayaa waxaa madaxa ka gaaray dhaawac markii hore la mooday mid halis ah kaddib markii ay isku dhaceen Dani Carvajal ciyaartii saaxiibtinimo ay England iyo Spain ku yeesheen gegada Wembley.

Laakiin waxaa iminka la sheegayaa inuu seegi doono kulanka ay Manchester United u safreyso Watford balse uu xaadir ahaan doono marka ay kooxda Jose Mourinho u safreyso Berne si ay ugu soo ciyaarto kulankeedii ugu horreeyay Champions League kal ciyaareedka cusub.

Daafaca reer England ayaa soo kabtay isagoona ka soo muuqday tababarka kooxda ee Shalay.

Image result for Luke Shaw Injury

Weli wuxuu u baahan yahay inuu ka gudbo tijaabooyinka qaar si ay Dakhaatirta ugu arkaa inuu Taam yahay.

Manchester United ayaa arbacada u safri doonta dalka Switzerland si ay ula soo ciyaarto BSC Young Boys kulankeeda ugu horreeya wareega Group yada Champions League ee kal ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close