Leonardo Bonucci oo taageerayaasha qaarkood ku weeraray baraha bulshada kadib markii ……!!

(Turin) 13 Sab 2018 Daafaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa baraha bulshada ku weeraray taageerayaasha qaarkood oo si wayn uga caraysiiyay.

Qaar kamid ah taageerayaasha Juventus ayaan wali la dhacsanayn dib u soo laabashada Leonardo Bonucci kadib markii uu ku biiray Milan xaggaagii 2017.

Image result for bonucci and his son

31 jirkaan ayaa bartiisa bulshada soo dhigay qoraal uu ku cadaynayay inuu xanuun sanyahay mid kamid ah caruurtiisa, laakiin taageere ayaa u rajeeyay caruurkaas inuu geeriyoodo.

Leonardo Bonucci ayaa aad uga carooday falka uu ku kacay taageerahaas habaaray cunugiisa, wuxuuna soo qoray:

“Waxaa laga yaabaa maalin maalmaha kamid ah inaan ku noolaano adduun ka wanaagsan midkaan, waqtigaan la joogo waxaan doonayaa in aan ka fogaano aniga iyo caruurteyda meeshaan ay daganyihiin dadka nuucaas ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close