Kullankii labaad wareega siddeed dhamaadka ciyaaraha degmooyinka G.Banaadir oo galabta la ciyaari doono

(Muqdisho) 13 Sebt  2018  Waxaa galabta la amba qaadi doonaa ciyaartii labaad  wareega Siddeed dhamaadka tartanka  degmooyinka gobolka Banaadir.

Kullanka galabta ayaa dhex mari doona Hodan  iyo  Xamar Wayne  oo kubad loo riyaaqo ku sameeyay tartanka.

Wiilasha Xamar Wayne ayaa kaalinta labaad ugu soo baxday guruubka D, halka Hodana ay koowaad ugu soo baxday guruubka B.

Labada degmo tii soo baxdaa waxa ay ku aadi doontaa degmada Waabari oo dhawaan ka adkaatay Boondheere.

Sikastaba kullanka galabta ayaa ka dhici doona garoonka Koonis ee ku yaala degmada C/Casiis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close