Joel Campbell oo si weyn u amaanay goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas

(Real Madrid) 13 Sept 2018. Halyayga reer Costa Rica ee Joel Campbell ayaa xaqiijiyay in goolhayaha kooxd Real Madrid ee Keylor Navas inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda Costa Rica.

“Keylor Navas waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda dalka Costa Rica, sidoo kale waa ciyaaryahanka ugu muhimsan”.

“Goolhayaha kooxda Real Madrid Navas waa shaqsi aad u xoogan jir ahaan iyo maskax ahaanba, sababtoo ah wuxuu mar walba heer wanaagsan ku leeyahay kooxdiisa iyo kooxda Costa Rican”.

“Keylor Navas waa goolhayaha koowaad ee kooxda Real Madrid, waa dagaalyahan, mana ma quusto, wuxuu ku guuleystey Champions League seddex jeer ee isku xigta, mana jiro goolhaaye sidaas horey u sameeyay”.

Si kastaba kooxda Real Madrid ayaa suuqii dhawaa ee lasoo gaba gabeeyay waxay kula soo saxiixatay goolhaayihii hore kooxda Chelsea ee reer Belgiam ee Thibaut Courtois  aduun dhan 35 milyan euro ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close