Frenkie de Jong oo asxaabtiisa Ajax u sheegay warkaan ku saabsan Barcelona

(Barcelona) 13 Sab 2018 Laacibka qadka dhexe ee Ajax iyo xulka Holland ee Frenkie de Jong ayaa asxaabtiisa la wadaagay war ku saabsan Barcelona.

Kooxda reer Spain ayaa isku dayday saxiixa 21 jirkaan qadka dhexe suuqii xaggaaga, laakiin heshiiska ayaan dhamaystirmin.

Image result for Frenkie de Jong Barcelona

Mundo Deportivo ayaa baahisay in Frenkie de Jong uu u sheegay asxaabtiisa kooxda Ajax in muddo 6-isbuuc ah aysan la soo xiriirin Barcelona.

Warka Frenkie de Jong ayaa ah mid wal wal ku abuuray laacibka maadaama uu go’ay xiriirkii uu marwalba ka heli jiray Barcelona taas oo u dhiganta inuu ka baxay ajandaha kooxda reer Spain.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Frenkie de Jong uu si wayn u doonayo inuu xirto maaliyada Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close