Chelsea oo SABAB Yaab leh ku diiday Kylian Mbappe!!

(England) 13 Sab 2018. Chelsea ayaa Sabab yaab leh isku dhaafisay saxiixa da’yarka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Kylian Mbappe mar uu 13-jir ahaa.

Blues ayaa 19-jirka koobka adduunka u suuro galiyay Faransiiska ku casuuntay Tababar Tijaabo ah lix sano ka hor kolkaa uu wacdaro dhigay.

Laakiin Chelsea ayaa ugu yeertay Mbappe inuu markale u soo laabto Tababar kale oo tijaabo ah waxaase arrinkaa ka biyo diiday Hooyadii.

Serge Daniel Boga oo berigaa ciyaartoyda u soo indho indheyn jiray kooxda Chelsea ayaa waxay indhihiisu soo qabteen Kylian Mbappe oo u ciyaaraya koox yar oo ka dhisan Paris.

Waxaana da’yarka looga yeeray tababar tijaabo ay 2012 kii.

Inkastuu Mbappe uu ahaa da’yar xirfad badan misane Blues oo Tijaabo marsiisay ayaa ka dalabtay inuu u soo laabto Tababar kale oo Tijaabo si loogu qiimeeyo si qoto dheer.

Related image

Laakiin Hooyadiis ayaa ka biyo diiday arrinkaas iyadoona u sheegtay inay ku qaataan Tijaabadii hore ama inay heybin doonaan mar aysan heyn.

Boga oo ah ninka soo arkay Mbappe ayaa Goal u sheegay in Weeraryahanka Hooyadiis ay ku tiri:

“Dhageyso, Wiilkeyga ma soo laabanayo. Haddii ay doonayaan waa inay hadda qaataan ama Shan sano kaddib waxay soo laaban doonaan iyagoo doonaya inay ku iibsadaan 50 milyan.”.

Saadaasha ay sameysay Mbappe hooyadiisa ayaa noqotay mid sax ah waayo wiilkeedu iminka waa da’yarka ugu qaalisan oo xitaa 100 milyan kuma helaysid.

Boga oo ka sii sheekeynaya Sababta ay Chelsea u diiday xiddiga uu u soo arkay ayaa yiri:

“Marka uu kubbada helo wuxuu mid aan innaba caadi ahayn, laakiin marka ay kubbadu ka maqan tahay aad uma shaqeynayn.

“Chelsea waxay dooneysay inay Tijaabo kale marsiiso si ay u aragto haddii uu iska hagaajiyay dhankaas, Sababtaas darteed ayay u waydiisteen inay markale arkaan sida aan aminsanahay.

“Wuxuu sameeyay farsamooyin si fiican ayuuna u gooyay, sidaa darteed laga yaabee in Chelsea ay dooneysay inay Tijaabo kale marsiiso si ay u aragto haddii uu dhanka Daafaca iska hagaajiyay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close