Busquets oo sharaxaad ka bixiyay faafaahinta kulankiisa ugu horeeyay uu kasoo muuqday kooxda Barcelona

(Real Madrid) 13 Sept 2018. Sergio Busquets ayaa dib u xasuustay bilawga waayihiisa kooxda Barcelona gaar ahaan sanadii 2008, wuxuuna faafaahin ka bixiyay kulankiisa ugu horeeyay uu xirto maaliyada kooxda reer Catalonia.

Laacibka reer Spain ayaa kaga mahad celiyay fursadaan Pep Guardiola oo haatan ku sugan kooxda Manchester City.

“Waxaan xusuustaa ciyaarta ugu horeeyay waxaan kaga soo muuqday maaliyada kooxda Barcelona garoonka Cump Nou”.

“Kulankeyga ugu horeeyay wuxuu ku soo idlaaday barbaro, laakiin waxaan ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.

“Marna ma fileynin inaan koobab badan ku guuleysanayo, isla markaana aan kulamo badan ee final ah aan kasoo muuqan doono, waxay ahaayeen daqiiqado cajiib ah”.

“Qof walba wuxuu ii sheegay inaan daganaan muujiyo, macalinka wuxuu si wanaagsan iigu yaqiinay kooxda labaad, wuuna ogaa waxaan ku sameyn lahaa kooxda koowaad”.

“Tababaraha ugu fiican aniga ahaan waa Pep Guardiola, sababtoo ah wuxuu ahaa kan fursada I siiyay isla markaana aan ka helay daqiiqado badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close