Xiddigaha Liverpool ee aan garaneyn Luqada INGIRIISKA oo Khatar wayn ugu jira in…..!!!

(England) 12 Sab 2018. Xiddigha Liverpool ee baran waaya luqada Ingiriiska oo Khatar ugu jira in kooxda laga diro.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ku qasba dhammaan ciyaartoydiisa inay bartaan luqada Ingiriiska isagoona amaah ku dira amaba iska iibiya ciyaartoyda bixin waysa dadaal ku filan si ay u bartaan luqada.

Macallinka reer Germany ayaa ilaa iminka la dhacsan dadaalka uu muujinayo goolhayihiisa Cusub ee Allison si uu ugu hadlo luqada Ingiriiska.

Saxiixyada Cusub ee Fabinho iyo Naby Keita  ayaa iyana la sheegayaa in luqadoodu yar tahay.

Macalinkii hore ee Luqada Ingiriiska kooxda Liverpool Alan Redmond ayaa sheegay in labada xiddig xagaagan la fariisin doono Fasal ay ku baranayaan luqada.

Redmond ayaana tilmaamay in xiddigo badan amaah lagu diray halka kuwa kalena la iibiyay kaddib markii ay bixin waayeen dadaal ay luqada Ingiriiska ku baranayaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close