Nasser Al-Khelaifi oo sheegay magaca koox uu Champions League uga baqayo xiliciyaareed kaan (Ma ahan Barcelona)

(Paris) 12 Sab 2018 Milkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay magaca koox uu sanadkaan uga baqayo ku guulaysiga Champions League.

Nasser Al-Khelaifi ayaa xiliciyaareed kaan baqdin wayn ka qaba kooxda Juventus oo suuqii xaggaaga la wareegtay Cristiano Ronaldo.

Sida ay baahisay Corriere dello Sport, Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in Juventus ay tahay kooxda sida wayn ugu tartami doonta Champions League maadaama ay haysato Ronaldo.

“Joogitaanka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa ka dhigaya inay tahay kooxda looga baqayo tartanka Champions League” ayuu yiri Nasser Al-Khelaifi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close