Muxuu ka yiri Modric xasuuqa xun ay kala kulmeen xulka qaranka Spain kulankii UEFA Nations League?

(Spain) 12 Sept 2018. Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guul darradii 6-0 ahayd ee kasoo gaartay dhigooda Spain kulankoodii wareega labaad ee UEFA Nations League.

Kulanka kadib laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska caanka ah “Marca” ee dalka Spain kaga hadlay xasuuqa xun ay kala kulmeen xulka qaranka Spain.

“Waa natiijo nagu adag inaan qaadano, laakiin waxaa ka caawisay qaab ciyaareedkii aan la nimid”.

Intaas ka dib Luka Modric ayaa ka jawaabay su’aal ku aadaneed abaal marinta FIFA ee laacibka ugu fiican aduunka 2018.

“Waxaa dhici doono, wixii dhici lahaa, hadii aan ku guuleysto waa wax aad u wanaagsan, laakiin muhiimadeyda waa kooxda oo kaliya”.

“Anigu ma xiiseeyo abaal marinada, waxaan u shaqeynayaa kooxda darteed”.

Si kastaba Luka Modric ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahanka sannadka ee qaarada Yurub, wuxuuna markale ka mdi noqday liiska kama dambeysta ah ee abaal marinta FIFA ee The Best.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close