Hugo Lloris oo lagu riday ganaax wayn kadib qaladkii uu sameeyay!

(London) 12 Sab 2018 Garsoorka dalka ingiriiska ayaa saaka u fariistay dhagaysiga dacwadii lagu soo eedeeyay kabtanka Tottenham iyo xulka France ee Hugo Lloris.

Goolhayaha Tottenham ayaa la qabtay isaga oo gaari kaxaynaya xili uu cabsanaa 24-ka bishii hore, waxaana lagu soo daayay damiin.

Image result for Hugo Lloris

Talaadadii ayaa lagu balansanaa in la dhagaysto dacwadiisa laakiin waala baajiyay, waxaana la dhagaystay maanta oo arbaco ah.

Hugo Lloris ayaa qirtay dacwada lagu soo eedeeyay, waxaana lagu xukumay in laga qaado ruqsada gawaari wadista muddo dhan 20-bil taas oo ah muddo ku dhaw 2-sano.

Sidoo kale, Hugo Lloris ayaa lagu ganaaxay bixinta lacag dhan 50 kun oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close