Heegan oo ku dhawaaqday kabtankeeda rasmiga ah kadib bixitaanka Catoosh

(Soomaaliya) 12 Sept 2018. Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa ku dhawaaqaday kabtankeeda rasmiga ee hogaamin doona fasal ciyaareedka 2018-19, kadib bixintaakii Cabdicasiis Catoosh.

Heegan ayaa si rasmi ah ugu dhiibtay calaamada xushmada ee kabtanimo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Cumar Qaxtaani, kaa oo kamid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxdan.

Xidigan ayaa ku sugan kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan mudo afar sano isagona kula soo guuleystay kooxdan horyaalka Somali Premier League sanad ciyaareedkii 2014-15 sido kale wuxuu la hantay koobab munaasabado.

Cumar Qaxtaani ayaa ku soo ifbaxay tartanka degmooyinka sanadkii 2014-kii markaas oo u ciyaarayay xulka degmada Xamar Weyne, waxaana xusid mudan inuu kula guuleystay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Kadib Tartanka degmooyinka waxaa heshiis la gashay kooxda haatan uu ku sugan yahay Heegan, isago ahaa sanadkii la soo dhaafay kabtanka 2-aad kooxdan.

Yeelkeede Heegan ayaa sanadkan waxaa hogaamin doona ciyaaryahan Cumar Qaxtaani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close