Del Piero oo sheegay inuu xiiseeyo daawashada Dybala iyo Mbappé, marka loo fiiriyo Ronaldo iyo Messi

(Italy) 12 Sept 2018. Alessandro Del Piero ayaa sheegy inuu doonayo ku raaxeysiga daawashada xidiga reer Argentina ee Paulo Dybala xilli ciyaareedkan iyo sidoo kale xiddiga kooxda Paris St Germain ee Kylian Mbappé.

Halyayga kooxda Juventus ayaa dhinaca kale iska diiday inuu u qaato labadan ciyaaryahan Dybala iyo Mbappé inay yihiin Messi cusub iyo Cristiano cusub ee kubada cagta, wuxuuna xaqiijiyay inay leeyihiin awooda ciyaartoyda waaweyn.

“Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi sida caadiga ah waa kuwa ugu wanaagsan, laakiin waxaa xili kasta jeclahay inaan ku daawado Paulo Dybala kooxda Juventus sidoo kale Kylian Mbappé waxaan isna jeclahay inaan ku daawado kooxda PSG”.

Si kastaba Alessandro Del Piero ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska Talyaaniga ee Gazette dello Sport ku sheegay inuu ku rajo weyn yahay in xili ciyaareedkan ay kooxda Juventus u dagaalami doonto ku guuleysiga UEFA Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close