Xidig ka tirsan kooxda Manchester City oo iska diiday ku biirista Barcelona jacayl uu u qabo Guardiola

(Manchester) 11 Sept 2018. Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada dalka England xidig ka tirsan Manchester City ayaa iska diiday dalab kaga yimid kooxda Barcelona, sababa la xiriira inuu doonayo la sii shaqeynta Guardiola.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laacibka reer Germany ee İlkay Gündoğan uu kusii dhawaanayo in uu qandaraaska u kordhiyo kooxda Manchester City.

27 jirkan kooxda Man City ee İlkay Gündoğan ayay wararku sheegayaan inuu iska diiday dalab rasmi ah ee kaga yimid Barcelona, maadaama uu doonayo inuu sii joogo kooxda Manchester City.

İlkay Gündoğan ayaa xiiseenaya in uu mudo aad u fog la sii shaqeeyo macalinka reer Spain ee  Pep Guardiola, xili laacibkan reer Germany uu heshiiskiisa haatan ka harsan yahay laba sano kale.

Laakiin Sky Blues ayaa dooneysa inay qandaraaska u kodhiso laacibkeeda İlkay Gündoğan maadaama ay jiraan kooxo kale ee xiiseenaya adeegiisa ay ugu horeyso Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close