“Waxaan rabay Chelsea laakiin waxay igu qasbeen inaan ku biiro Man City.”. Robinho oo Daaha ka rogay SHEEKO YAAB LEH

(England) 11 Sab 2018. Robinho ayaa daaha ka rogay in 2008 uu Qalbiga ku hayay isla markaana uu doonayay inuu ku biiro Chelsea balse lagu qasbay inuu ku biiro kooxda Manchester City.

Chelsea waxaa waqtigaa Tababare ka ahaa Scolari oo ay dhalashada wadaagaan Robinho.

Laacibka reer Brazil oo sharaxaya Sababta loogu qasbay inuu u dhaqaaqo kooxda ka arrimisa Etihad Stadium ayaa yiri:

“Waxaan doonayay inaan ku biiro Chelsea, Scolari wuxuu ii sheegay inaan u sameyn karo farqiga kooxda.

“Yeelkeede, Real Madrid ayaa si xun ula dhaqantay iyaga ugu dambeyn, kama aysan helin sidii ay Chelsea u iibisay Maaliyad ay ku qoran tahay Magaceyga ka hor inta uusan heshiiskuba dhicin.

“Waan hubaa in midaas ay ahayd sababtii uu u bur buray wada hadalada.

“Waxay sidoo kale Real Madrid ka biyo diidaneyd inay ii ogolaato inaan ku biiro koox xilli ciyaareedkaas ciyaareysa Champions League. Chelsea qeyb ayay ka ahayd tartanka balse Man Ma Ciyaareyn Champions League.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close