Marcelo oo diyaar u ah inuu xabsi galo sababa la xiriira inuu lunsaday lacago badan ee canshuur ah

(Real Madrid)  11 Sab 2018. Difaaca xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Marcelo ayaa ogolaaday ganaaxa xabsiga ah iyo in uu bixiyo lacago fara badan, sababa la xiriira inuu lunsaday lacago canshuura ah.

Marcelo ayaan ahayn xidiga kaliya ee lacagaha canshuuraha lunsaday, laakiin inta badan ciyaartoyda horyaalka La Liga ka xamaasha ayaa sidaas sameeyay sida laacibkii hore kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo kuwo kale.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa soo wariyay in Marcelo lagu xukumay afar bilood oo xabsi ah iyo lacago ganaax ah ee gaarsiisan ilaa iyo 750,000 euros.

Wargeyska reer Spain ayaa sidoo kale sheegay in Marcelo uu qirtay in dhaqaalaha kaga soo xarooda xuquuqda sawirada uu u wareejiyay shirkad ku taala dalka Uruguay, si uu kaga cararo lacagaha canshuuraha uu bixin lahaa sanadii 2013.

Si kastaba in Marcelo uu qirtay lunsiga lacago canshuur ah ee laga rabay ayaa waxay ka dhigeysaa inuu ka badbaado ganaaxa xabsiga ah, iyo in badan in laga yareeyo lacagaha ganaaxa, si kaliya wadarta guud ay u noqoto 40% oo kaliya.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close