“Maaliyada nambarka 10-aad kaliya waxay qaas u tahay Messi”…macalinka xulka Argantina

(Argantina) 11 Sept 2018. Macalinka ku meel gaarka ah ee xulka qaranka Argentina Lionel Scaloni ayaa xaqiijiyay in maaliyada No. 10-aad kaliya ay qaas u tahay kaliya Lionel Messi, xitaa hadii uu ku dhawaaqo inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah ama uu sii wadanayo.

31 kabtanka u ah kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqay kadib koobkii aduunka 2018 in muda ah inuu ka fogaanayo kulamada xulka qaranka Argantina, kadib uu go’aan rasmi ah ka gaari doono inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah ama uu sii wadan doono.

Laakiin macalinka ku meel gaarka ah ee xulka Argentina Lionel Scaloni, kaasoo badal u noqday Jorge Sampaoli in uu howl gab ka sii dhigo maaliyada No. 10-aad ilaa iyo Messi uu kasoo laabanayo.

“Maaliyada No. 10-aad waxay kaliya qaas u tahay Lionel Messi, ilaa iyo uu kaga dhawaaqayo go’aankiisa kama dambeysta ah ee ku aadan inuu ka fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah ama uu sii wadan doono”.

“Waxaan rajeeneynaa in Lionel Messi uu dib noogu soo laaban doono, maaliyada No. 10-aad isaga ayay qaas u tahay kaasi waa go’aankeyga”.

Macalinka ku meel gaarka ah ee xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa wax laga weydiiyay sidoo kale saameynta uu xulka Argantina ku yeelan karto maqnaanshiyaha Messi.

“Marka uusan kula joogin xidiga ugu wanaagsan aduunka, waa hubaal in kooxda ay guuldareysan doonto shaki la’aan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close