Finalka Champions League oo laga rari karo Yurub…(Halkee loo Guurayaa??)

(Europe) 11 Sab 2018. Finalka Champions League ayaa Mustaqbalka lagu qaban karaa Magaalada New York ee dalka Maryakanka.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo Koobka Horyaalada Yurub lagu ciyaaro meel ka baxsan Qaarada Yurub haddii ayba dhacdo sida ay warinayaan warbaahin Caan ah.

Horyaalka Spain ee La Liga ayaa waxaa iminka ka jira is qab qabsi xoogan kaddib markii uu Maamulka shaaciyay in qaar ka mid ah kulamada lagu soo ciyaari doono Mareykanka kal ciyaareedkan.

Ciyaartooy badan ayaa ka biyo diidsan iyadoona la sheegayo in go’aanka ugu dambeeya ay leeyihiin ciyaartoyda.

Finalka Champions League ee kal ciyaareedkan ayaa lagu qaban doonaa gegada Wando Metropolitano ee kooxda Atletico Madrid.

Halka Finalka Koobka Dhaga waynaha ee 2020 lagu qaban doono Atatürk Olympic, Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Laakiin wixii ka dambeeya 2021 lama xaqiijin ilaa iminka garoomada lagu qaban doono FInalka koobka ugu xiisaha badan horyaalada Yurub waxaana suurto gal ah in Mustaqbalka lagu ciyaaro Cariga Mareykanka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close