DEG DEG: UEFA oo soo kordhisay Tartan Cusub oo lagu Saddexeynayo Champions League iyo Europe League

(Europe) 11 Sab 2018. UEFA ayaa soo kordhineysa tartan cusub oo lagu Saddexeynayo Champions League iyo Europe Laegue.

Lama hayo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan Koobka Cusub, laakiin waxaa la filayaa in tartanka cusub uu bilowdo xilli ciyaareedka 2021/22, waxaana la sugayaa Ansixinta kama dambeysta ah.

Tartankan cusub ayaa bilooyin qorshaha ugu jiray UEFA waxaana la fahsan yahay in Madaxda kubbada cagta Yurub ay doonayaan in kooxo badan oo ka dhisan dalalka yar yar ay siyaan fursad ay uga ciyaaraan tartamada Qaaradooda.

Image result for Champions League and Europa League

Koobkan Cusub ayaa lagu saddexeyn doonaa Champions League iyo Europe League si  loo ballaariyo kooxaha ka ciyaaraya tartamada Yurub isla markaana la gaarsiiyo ilaa 96-kooxood.

Faah Faahinta Tartanka cusub dib kala soco insha,alaah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close