Busquets oo sheegay in uu u xiisay saaxiibkiis Jordi Alba, kadib markii laga saaray liiska xulka qaranka Spain

(Spain) 11 Sept 2018. Laacibka khadka dhexe xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa xaqiijiyay in La Roja ay u baahan tahay in ay gaarto guul kale ee cusub, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in diirada la saaro mustaqbalka.

Sergio Busquets ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id khor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan Croatia tartanka UEFA Nations League wuxuuna ka hadlay dhowr arimood.

“Ma ahan wax aan suurtogal ahayn inaan dib ugu laabano meesha ugu sareysa, ugu yaraan waa inaan u soo baxnaa koobka qaramada yurub, iyadoo aan dib loo xanuunsan doonin dhacdooyinkii hore”.

Dhinaca kale Sergio Busquets ayaa wuxuu ka hadlay saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Jordi Alba, kadib markii uu tababare Luis Enrique ka reebay liiskii uu soo magacaabay dhawaan ee xulka qaranka Spain.

“Waxaan u maleenayaa inaan u xiisnay Jordi Alba, wuxuu qeyb nagala ahaa xulka Spain dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, laakiin haatan wuxuu ku maqan yahay go’aanka macalinka, waxaan hubaal ah inuu si aad ah kaga shaqeyn doono sida uu dib ugu soo laaban lahaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close