Aurelio De Laurentiis oo hal arin muhiim ah ka codsaday UEFA kahor kulamada Champions League

(Napoli) 11 Sept 2018. Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka dalbaday UEFA in kulanka ay Liverpool kula ciyaari doonaan Champions League loogu wareejiyo garoonka Stadio San Nicola ee magaalada Bari.

De Laurentiis ayaa sheegay inuu qorsheenayo in dib loo dhiso Stadio San Paolo, sidaas darteed wuxuu doonayaa in kulamadooda Champions League loogu wareejiyo garoomo kale.

“Waxaan go’aansaday inaan dhiso garoon cusub, hadii aan haysto lacag iyo dhul si aan u dhisno garoon cusub, waxaan bilaabi karaa mashruuca”.

“Waxaan ka dalbaday UEFA in kulamada Champions League aan ku ciyaarno Stadio San Nicola Stadium ee magaalada Bari”.

“Waxaana diyaar u ahay inaan bixiyo gaadiidka jamaahiirta kooda Napoli si ay u xaadiraan kulamada Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close