Yaa Dhaxlay Sanduuqii Ronaldo ee Real Madrid iyo Booskii uu ka fariisan jiray BASKA kooxda??

(Madrid) 10 Sab 2018. Cristiano Ronaldo ayaa ka soo tagay gegada Bernabeu ee Real Madrid kaddib sagaal sano oo qurxoon isagoona ku biiray camaaliqada Talyaaniga ee Juventus.

Haddaba waxaa la dhaxlay wax kasta uu Ronaldo uga soo tagay Los Blancos.

Booskiisa Weerarka waxaa dhaxlay Marco Asensio oo  BBC u badelay BBA.

Rigoora Tuurista waxaa kala wareegay Sergio Ramos oo durba iminka Saddex Rigoore ku hubsaday shabaqa.

Isla kabtanka Real Madrid ayaa dhaxlay Sanduuqii uu Ronaldo ku lahaan jiray gegada Santiago Bernabeu.

Lambarkiisa waxaa dhaxlay Mariano Diaz taa oo xitaa ka careysiisa Jamaahiirta kooxda.

Booskii uu ka fariisan jiray Baska kooxda Real Madrid ayaa waxaa dhaxlay Antonio Pintus oo ah Tababaraha Jir dhiska kooxda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close