Xiriirka u dhexeeya Mohamed Salah iyo xiriirka kubadda cagta Masar oo sii xumaanaya! (Ogoow labo qodob oo la isku haayo)

(Cairo) 10 Sab 2018 Xiriirka u dhexeeya Mohamed Salah iyo hogaanka xiriirka kubadda cagta Masar ayaa gaaray meel xun sida ay sheegayaan warar hoose oo la helayo.

Salah iyo wakiilkiisa ayaa u qoray warqad xiriirka kubadda cagta Masar, dalabka Salah ayaa ah inuu helo waardiye gaar ah inta uu joogo xarunta tababarka ee xulka Masar iyo sidoo kale in loo madax baneeyo heshiisyada uu kula jiro shirkadaha kale.

Xubno ka tirsan xiriirka kubadda cagta Masar ayaa ka codsaday Mohamed Salah iyo wakiilkiisa in la damiyo xiisadaan isla markaana is afgarad hoose lagu xaliyo arinkaan.

Balse Salah iyo wakiilkiisa ayaa diiday arinkaas, waxayna dalbadeen in heshiis walba oo dhex maraya iyaga iyo xiriirka inuu noqdo mid ku qoran warqad oo waliba leh saxiixa xiriirka kubadda cagta Masar.

Qaar kamid ah xubnaha ugu sareeya ee xiriirka kubadda cagta Masar ayaa diiday inay saxiix saaraan warqadaha ay dalbadeen Salah iyo wakiilkiisa, xaalada ayaana haatan ah mid aan fiicnayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close