Tababaraha Chelsea Sarri oo Weerar ku ah AC Milan

(Europe) 10 Sab 2018. Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa doonaya inuu iska adkeeyo Daafaca dhexe isagoona eeganaya sidii uu ku soo xero galin lahaa xiddigaha AC Milan ee Alessio Romagnoli iyo Mattia Caldara.

Macallinka reer Talyaani ayaa wada badiyay afartiisii kulan ee ugu horreysay Premier League wuxuu dhaliyay 10-gool halka laga dhaliyay saddex gool.

Laakiin sidaas ay tahay wuxuu doonayaa inuu iska adkeeyo qalbada dhexe ee daafaca isagoona maanka ku haya wiilasha reer Talyaani ee Romagnoli 23-jir iyo Caldara  24-jir.

Milan ayaa dhawaan Juve kala soo wareegtay Caldara kaa oo xagaagan u saftay Talyaaniga kulankiisii ugu horreeyay ee xulka.

Image result for Alessio Romagnoli and Mattia Caldara AC Milan

Romagnoli ayaa isna dhawaan heshiiska u cusbooneysiiyay Milan taa oo ka dhigan inuusan ku tagi doonin beec jaban.

Caldara weli boos kama helin kooxda ka arrimisa San Siro maadaama uu Gattuso door bidayo Mateo Musacchio, halka   Romagnoli uu yahay daafac cajiib ah oo loo adeegsan karo qeybta dhexe ama baalka bidix ee Daafaca.

Sarri waxaa iminka daafaca dhexe kaga ciyaara Antonio Rudiger iyo David Luiz, laakiin wuxuu maanka ku hayaa wiilasha reer Talyaani ee Alessio Romagnoli iyo Mattia Caldara.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close