Maurizio Sarri oo Shaaca ka qaaday Shaqsiga kaliya ee ka joojin kara SIGAAR CABISTA!!!

(Chelsea) 10 Sept 2018. Macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa qirtay in aabihiis uu yahay qofka kaliya ee awooda inuu ka reebo sigaar cabista.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England Maurizio Sarri ayaa caan ku ah in maalintii oo kaliya uu isticmaalo 100 xabo ee sigaar ah, laakiin wuxuu haatan isku dayayaa inuu yareeyo, gaar ahaan xili sigaar cabista ay mamnuuc ka tahay garoomada kubada cagta ee England.

Laakiin macalinka kooxda Chelsea Maurizio Sarri ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu kaga hadlay cida kaliya ka hor istaagi karta cabista sigaarka.

“Markii aabahay ogaaday inaan dalab ka helay kooxda Chelsea, wuxuu iga codsaday inaan aado London”.

“Wuxuu sidoo kale iga codsaday inaan joojiyo sigaar cabista ugu yaraan inta aan halkan joogo, waa qofka kaliya ee igaaga dhaadhicin kara 5 daqiiqo oo kaliya inaan sidaas sameeyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close