“Luka Modric ma ahan kan ugu fiican aduunka”…Luis Enrique

(Spain) 10 Sept 2018. Macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ka hadlay in Luka Modric uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee FIFA iyo inkale.

Laakiin macalinka reer Spain ee Luis Enrique ayaa muujiyay inuu qabo fikrad ka duwan tan shaqsiyaadka kale ay qabaan haba ugu badnaadeen kuwa dhanka Real Madrid.

Luis Enrique oo kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay kula ciyaari doonaan xulka qaranka Croatia tartanka UEFA Nations League ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood uu ka mid yahay Modric.

“Hadii aan ka hadlo Croatia waxaan dhihi doonaa Luka Modric, laakiin marka aan ka hadleeno kan ug fiican aduunka waa Lionel Messi”

“Dabcan waxaan jeclahay guusha, waxa ugu wanaagsan aan sameyn karno ayaa ah in jamaahiirta ay farxaan, waxaanahay xirfadle yaal, waana inaan haatan isku diyaarinaa sida ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close