La Liga oo soo jeediyay Qorshe cusub oo lagu qancinayo xiddigaha ka soo horjeeda kulamada lagu ciyaarayo dalka Maraykanka

(Madrid) 10 Sab 2018 Xiddigo badan oo ka ciyaara horyaalka Spain ayaa ka hor yimid fikirka ah in kulamada qaar lagu soo ciyaaro dalka Maraykanka.

Maamulka sare ee La Liga ayaa soo jeediyay qorshe cajiib ah kaas oo lagu qancinayo xiddigaha ka ciyaara horyaalka Spain ee diidan in kulamada qaar lagu soo ciyaarayo maraykanka.

Qorshaha ayaa ah in horyaalka laga soo xulo ilaa 25-laacib kuwaas oo safar ku aadaya dalka maraykanka, waxayna ku maqnaanayaan mudo dhan 15-maalin.

Xiddigaha ayaa safarka ku tagaya magaalooyinka New York iyo Miami, waxayna halkaas ku qaadanayaan 8-tababar, sidoo kale waxay ka qayb qaadanayaan kulamo ay ciyaarayaan 4-koox oo ka dhisan waqooyiga America.

Wali la iskuma raacin qorshahaan, laakiin waxaa muuqata in maamulka La Liga ay dhibaato kala kulmayaan dhaqan galinta heshiiskii ay saxiixeen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close