Kooxda Liverpool oo niyad jab weyn kala kulantay difaaceeda Dejan Lovren

(Liverpool) 10 Sept 2018. Warbaahinta dalka Engladnd ayaa xaqiijiyay in daafaca reer Croatia ee Dejan Lovren uusan ku soo laaban doonin tababarka bisha September.

Waxaa jirta caro xoogan ee dhanka macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp, kadib hadalkii daafaca reer Croatia ee Dejan Lovren kasoo yeeray ee ahaa inuu dhaawacnaa tan iyo bilawga xili ciyaareedkan.

Dejan Lovren ayaa u sheegay wargeysyad dalka Croatia inay ahayd inuu u ciyaaro Koobka Aduunka xulkiisa Croatia isagoo dhaawac.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Dejan Lovren uu si weyn kaga careesiiyay Jürgen Klopp, sababab la iriira inuu ka qariyay xaqiiqada ku aadan dhaawaciisa, ilaa iyo kulanka finalka koobka aduunka 2018.

Dhinaca kale jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa waxay weerar culus ugu qaadeen Dejan Lovren baraha bulshada sababa ka xiriira inuu qarsaday dhaawaciisa inta lagu gudi jiray suuqii agaaga, sababa la xiriira inaysan Reds raadinin badalkiisa.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close