Juventus oo ka dul qaadaysa Barcelona xiddig u ciyaara Ajax

(Turin) 10 Sab 2018 Juventus ayaa dadaal ugu jirta dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt.

Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay diyaar la tahay lacag dhan 40 milyan oo euro si ay u hesho Matthijs de Ligt suuqa janaayo.

Image result for Matthijs de Ligt Juventus

19 jirkaan ayaa soo booqday xarunta tababarka ee Juventus ka hor inta uusan qaadan go’aanka ku aadan mustaqbalkiisa xili lala xiriirinayo Barcelona.

Booqashadii Matthijs de Ligt uu ku yimid kooxda Juventus waxay u noqotay rajo wanaagsan oo ka caawinaysa inay si fudud ku hesho suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close