Ivan Rakitić oo si maskaxeysan kaga warbixiyay farqiga u dhexeeya Messi iyo Luka Modric

(Spain) 10 Sept 2018. Ivan Rakitić ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id uu kaga hadlay kulanka ay kula ciyaari doonaan xulka qaranka Spain Talaada wareegii labaad ee tartanka UEFA Nations League.

Laacibka khadka Barcelona ayaa wax laga weydiiyay sheekada muranka ka taagan ee ah in Luka Modric uu u qalmo abaal marinta xiisaha badan Ballon d’Or iyo inkale.

“Kan ugu wanaagsan aduunka iyo taariikhda waa Lionel Messi, waa wax aad u sahlan xitaa hadii aad weydiiso caruurta 9 ama 10 jirada, waxay ku sheegi doonaan isla hadalkan oo kale”.

“Laacibka sanadkan waa Luka Modric muran la’aan, wuxuu kusoo guuleestay abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub, lakiin ma aqaano waxa uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu ugu guuleysto abaraal marinta FIFA”.

“Croatia ayaa ku faani doonta isaga, waxaana ku qanacsanahay inuu ku guuleysan doono dhowr abaalmarino kale mustaqbalka”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close