Sida ay degmooyinka isugu beegmeen wareega siddeeda iyo afar dhamaadka (Jadwalka oo dhamaystiran)

(Muqdisho) 09 Sebt 2018 Waxaa ka soo baxay kullamo adag ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan wareega siddeed dhamaadka.
Degmada Waabari oo bandhig wanaagsan samenaysa ayaa ku beegmatay Boondheere oo la ogsoonyahay wacdaradii ay kala kullantay 2015.
Sidoo kale waxaa isku aaday Hodan iyo Xamar Wayne,halka Wadajir ay ku dhacday Shibis.
Ciyaarta ugu horaysa ayaa lagu wadaa in la amba qaado isniinta ina soo aadan.
EEG ISKU AADKA WAREEGA SIDDEED DHAMAADKA
MN | Maalinta | Taariikhda | Kooxaha Wada Ciyaarayo | Saacadda | Garoonka | |||||||
29 | Isniin | 10/09/2018 | Waabari | Vs | Boondheere | 15:30 | Banaadir | |||||
30 | Talaado | 11/09/2018 | Hodan | Vs | X. Wayne | 15:30 | Banaadir | |||||
31 | Arbaco | 12/9/2018 | H.Wadaag | Vs | Shangaani | 15:30 | Banaadir | |||||
32 | Khamiis | 13/9/2018 | Wadajir | Vs | Shibis | 15:30 | Banaadir | |||||
Wareega Afar Dhamaadka sida ay isugu dhicayaan
Waabari Vs Boondheere :- Degmadii soo baxdaa waxa ay afar dhamaadka ku dhici doontaa midkood Hodan ama X.Wayne.
Howl Wadaag Vs Shangaani:- Tii soo badisaa waxa ay ku aadi doontaa midkood Wadajir ama Shibis
Semi Final
MN | Maalinta | Taariikhda | Kooxaha Wada Ciyaarayo | Saacadda | Garoonka | ||
33 | Jimco | 14/09/2018 | WMN. 29 | Vs | WMN 30 | 15:30 | banaadir |
34 | Sabti | 15/09/2018 | WMN 31 | Vs | WMN 32 | 15:30 | banaadir |
Final
MN | Maalinta | Taariikhda | Kooxaha Wada Ciyaarayo | Saacadda | Garoonka | ||
35 | Isniin | 17/09/2018 | WMN. 33 | Vs | WMN 34 | 15:30 | banaadir |
Gool FM