Kooxda Liverpool oo dooneysa in laacibkeeda Joe Gomez ay ku abaal mariso heshiis cusub

(Liverpool) 09 Sept 2018. Kooxda Liverpool ayaa waxay wada hadalo kul jirtaa difaaceeda da’ada yar ee Joe Gomez, si ay kag saxiixato heshiis cusub uu kusii joogayo garoonka Anfield isla markaana sare loogu qaadayo mushaarkiisa.

Joe Gomez ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay bandhig wanaagsan kasoo sameeyay kooxdiisa Liverpool waana sababta ka dameysa in maamulka Reds ay u raboodaan in ay qandaraaska u kordhiyaan.

21 jirkan ayaa qaab ciyaareedkiisa soo jiitay macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp, wuxuuna haatan ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee Reds.

Gomez, oo ugu wareegay garoonka Anfield heshiis shan sano ah oo uga yimid kooxda Charlton aduun dhan £ 3.5m xagaagii 2015, waxaana wali heshiiskiisa Anfield ka harsan 4 sano kale.

Laakiin kooxda ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahankan ka dib markii uu Liverpool ka noqday ciyaaryahan muhim ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close