Edwin van der Sar oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan dib ugu laabashada kooxda Manchester United

(Manchester) 09 Sept 2018. Goolhayihii hore ee kooxda Manchester United Edwin van der Sar ayaa ka hadlay go’aankiisa kaga aadan inuu ku laabanayo horyaalka Premier League si uu qeyb kaga noqdo maamulka Red Devils.

Edwin van der Sar ayaa sheegay in ay adag tahay xiligan la joogo inuu ka dhaqaaqo kooxda Ajax Amsterdam.

“Uma maleynayo in xiligan ay sidaas dhici doonto, wali waxaan heystaa laba sano heshiis ah ee aan kula jiro kooxda Ajax Amsterdam, waa kooxdayda waxaana rajeynayaa inaan halkaan sii joogo”.

Van der Sar ayaa qeyb ka ahaa maamulka kooxda Ajax Amsterdam tan iyo sanadii 2012, kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha, isla markaa uu kusoo guuleestay koobka Champions League iyo siddeed koob kale.

Lakiin warar dhawaan soo baxay ayaa waxay sheegayeen in goolhaayihii hore xulka qaranka Holand uu la wareegi doono xilka agaasima ciyaaraha ee kooxda Red Devils, taasoo ilaa iyo haatan ka maqan Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close