“Waxay i dhahaan LAGA ROONE.”.

(London) 08 Sab 2018. Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa aad uga Careysan aflagaadada ka soo gaareysa taageerayaasha marka uu ku sugan yahay Garoonka iyo markuu bannaanka ka joogo.

23 jirka aadka u jecel FASHION ka ayaa daaha ka rogay in taageerayaasha ay ugu yeeraan “LAGA ROONE” iyagoo wax ka sheegaya tintiisa iyo sidoo kale bandhigiisa garoonka.

“Qaar ka mid ah ah Ceyda isoo gaareysa waa Aflagaado xad gudub ah,” Bellerin ayaa sidaa yiri.

“Aflagaadada badankeeda waxay iga soo gaartaa Online, laakiin sidoo kale waxaad ka maqleysaa Garoonka.

“Dadku waxay iigu yeeraan ‘LAGA ROONE’ sababo la xiriirta Tinteeda badan.

“Waxaa jira Aflagaadooyin kale oo Naceyb ah. Wayna sii korortaan markaan si xun u ciyaaro.”.

Daafaca reer Spain ayaa xitaa sheegay inuu Taleefankiisa waqti ka tiray TWITTER ka kaddib markii uu u adkeysan waayay Aflagaadooyinka soo gaaraya.

Yeelkeede Bellerin ayaa iminka sheegay inuu tartiib tartiib ula qabsanayo sida loola tacaalo aflagaadooyinka kaga imaanaya taageerayaasha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close