Tababare Luis Enrique oo si weyn u amaanay Sergio Ramos, muxuuse ka yiri David de Gea?

(Spain) 08 Sab 2018. Macalinka xulka qaranka Spain Luis Enrique ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay caawa ku booqan doonaan England garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Tababarihii hore kooxda Barcelona ayaa kaga faa’ideestay shirkiisa jaraa’id inuu ku amaano kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

“Ramos Waa ciyaaryahan weyn, waa hogaamiye weyn gudaha garoonka iyo banaanka intaba, ma weydiisan karno wax badan, waan ku faraxsanahay isaga”.

“Waxaan u dhaqaaqi doonaa garoonka Wembley si aan kula soo ciyaarno xulka qaranka England, inkastoo kulanka uu yahay mid aad u adag, hadana waxaa muhiim ah inaan ku raaxeysano”.

“Waxaan ciyaari doonaa qaab weerar isla bilawga ciyaarta, si aan u xakameyno ciyaarta isla markaana aan u sameyno fursado badan inta ugu macquulsan”.

Intaas kadib  macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa wuxuu ka hadlay wararka shakiga galinaya awooda ciyaareed goolhaayaha kooxda Manchester United ee David de Gea wuxuuna si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay tayadiisa.

“Ma jiraan wax shaki ah aan ka qabo awooda ciyaareed ee David de Gea, wuxuu mar walba ahaan doonaa kan koowaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close