Sababta dhabta ah ee Paul Pogba uu u doonayo inuu ka tago United oo la ogaaday! (Ma ahan Mourinho)

(Manchester) 08 Sab 2018 Paul Pogba ayaa lala xiriiriyay suuqii xaggaaga inuu ka tagayo kooxdiisa Manchester United kadib markii ay isku dheceen tababare Mourinho.

Kooxo badan oo ay hogaaminayeen Barcelona iyo Juventus ayaa isku dayay saxiixa laacibka ugu qaalisan Man United ee Paul Pogba suuqii xaggaaga.

Daily Record ayaa daaha ka qaaday in sababata dhabta ah ee Pogba uu u doonayo inuu ka tago Manchester United aysan ahayn xiriirka liita ee kala dhexeeya Jose Mourinho.

Image result for Pogba Sanchez

Xiriirka u dhexeeya Pogba iyo Mourinho ayaa haatan ah mid aad u wanaagsan, laakiin laacibka ayaa ka caraysan maamulka kooxdiisa.

Carada Pogba ayaa ah mid la xiriirta mushaarka United ay siiso Alexis Sanchez, wuxuuna dareemayaa in kooxdu aysan u muujin qadarintii dhaqaale ee uu u qalmay.

Pogba ayaa ka caraysan in Sanchez uu Manchester United ka qaato mushaar ka badan midka uu isagu ka qaato, waxaana u dhexeeya farqi aad u wayn.

Mushaarka Sanchez ee United ayaa lagu qiyaasayaa lacag ku dhaw 500 kun oo Ginni isbuucii, halka Pogba uu qaato 300 kun oo Ginni.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close