Ronaldo oo raali galiyay Luka Modric isla markaana u sheegay inuu ……..!!

(Madrid) 08 Sab 2018 Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayntii u hoyday saaxiibkiisii hore ee Luka Modric oo ka dul qaaday abaal marinta xiddiga ugu wanaagsan yurub.

Ronaldo ayaa diiday inuu xaadiro xafladii lagu bixinayay abaal marinta maadaama uu ka carooday in Luka Modric uu qaato abaal marin uu isagu xaq u lahaa sida uu aaminsan yahay.

Image result for Ronaldo Modric

Marca ayaa baahisay in Ronaldo uu garawsaday qaladkii uu ka galay asxaabtiisii hore ee Real Madrid gaar ahaan Luka Modric, waxaana la sheegay inuu si shaqsi ah ula xiriiray kabtanka xulka Croatia.

Ronaldo ayaa u hambalyeeyay Luka Modric, labada laacib ayaana ku balamay inay kulan ku wada qaataan magaalada London 24-ka bishaan markaas oo la bixinayo abaal marinta xiddiga ugu wanaagsan adduunka ee The Best.

FIFA ayaa dadaal ku bixinaysa sidii Cristiano Ronaldo uu u imaan lahaa xaflada abaal marinada The Best maadaama la xaqiijiyay in Messi uu ka maqnaanayo goobtaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close