Ramos oo ka war helay saxiixa ugu horeeya ee Real Madrid ay samaynayso suuqa Janaayo (Waa xiddig wayn oo ka ciyaara Premier League)

(Madrid) 08 Sab 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka war helay saxiixa ugu horeeya ee kooxdiisu ay qorshaynayso suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Don Balon ayaa baahisay in Sergio Ramos uu ka war helay inay ka go’antahay Florentino Perez soo xerogalinta laacibka Chelsea iyo xulka Belgium ee Eden Hazard.

Image result for Ramos Hazard

Chelsea ayaa ka diiday Real Madrid inay ka iibiso Eden Hazard suuqii xaggaaga kadib markii ay ka iibisay goolhaye Thibaut Courtois.

Perez ayaa u arka Hazard laacib sifiican u buuxin kara booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus.

Wuxuuna bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa Janaayo ka dhigayaa Eden Hazard.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close