Paul Pogba oo iska fogeeyay mas’uuliyada wararka xanta ah ee ku aadan inuu ka tagayo Old Trafford

(Manchester) 08 Sab 2018. Paul Pogba ayaa ug dambeyn ka baxay aamusnaanta wuxuuna ka hadlay wararka leysla dhex qaadayay maalmihii lasoo dhaafay ee ku aadan sida uu u xun yahay xiriirka kala dhexeeya kooxdiisa Man United.

Waxaa dhawaaanahan jiray warar ku aadan in Pogba uu doonayo ka dhaqaaqista kooxda Red Devils, xili sidoo kale ay jiraan warar ku aadan in kooxaha Barcelona iyo Juventus ay xiiseenayaan saxiixiisa.

Laakiin Paul Pogba ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Calcio Mercato” ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in waxa kaliya uu diirada saarayo ay tahay sida uu ku hormarin lahaa qaab ciyaareedkiisa.

“Aniga ma ihi midka hadlaya, waxaan kaliya isku dayaa inaan ka shaqeeyo horumarinta naftayda”.

“Waxaan dib u soo laabtay xilli danbe ka dib Koobkii Aduunka, sidaasi darteed waxaan isku dayayaa inaan dib ugu soo laabto heerka ugu sareeya”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan qabto shaqada la iga doonayo, laakiin inta kale, waxaa jiri doono hadal joogta ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close