Milan oo Janaayo ku soo Jeeda Cesc Fabregas

(Europe) 08 Sab 2018. Camaaliqada Serie A AC Milan ayaa isku diyaarineysa inay Janaayo u soo dhaqaaqdo xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Cesc Fabregas.

Warsidaha Corriere dello Sport ee dalka Talyaaniga ayaa warinaya in Milan ay markale isku dayi doonto soo xero galinta Fabregas kaddib markii ay ku fashilmeen suuqii xagaaga.

Qandaraaska uu xiddiga reer Spain ku joogo Stamford Bridge ayaa dhici doona Xagaaga soo socda.

31-jirka ayaa awoodi doona inuu beeca xorta ah kaga tago Chelsea taa oo ku qasbi karta Blues inay iibiyaan suuqa Jiilaalka.

Ma cada in Fabregas uu ka mid noqon doono qorshaha koowaad ee Sarri kaddib imaanshiyaha  Jorginho iyo Mateo Kovacic.
Fabregas oo ku soo biiray Blues 2014 kaddib Saddex sano uu ku soo qaatay Barcelona ayaa laga yaabaa inuu go’aansado inuu isaga dhaqaajiyo kooxda reer London haddii uu ku guul dareysto inuu helo fursado badan uu uga soo muuqdo safka koowaad.
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close