“Ma Daawatay Koobka Adduunka?” Daafac u cayaara kooxda Newcastle oo Sidaa Weydiiyay Garsooraha Kaddib Qalad uu ku galay Neymar

( USA ) 08 Sept 2018. In badan waa wax uu kusoo bandhigay koobka adduunka hab dhaqankan aadka loola yaabay uu la yimid laacibka Neymar cayaarihii xagaagan lagu marti galiyay dalka Russia ma noqon doontaa mid wanaagsan mise mid xun Nasacnimada wiilka reer Brazil uu ku dhaqmayay tartankii cayaaraha adduunka.

Xulka kubbada cagta USA ayaa seegay tartankii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee koobka adduunka muddo 30 sano kaddib, laakiin daafaca mareykanka u dheela ee DeAndre Yedlin waa mid si cad u daawacad hab dhakankii Neymar ee tartanka uu la yimid kasoo markii qalad lagu qalo dhulka ku dildilooma ama isku rafiga.

Image result for https://www.thesun.co.uk/sport/football/7207022/neymar-dive-deandre-yedlin-did-you-watch-the-world-cup/

Hadaba cayaartii xalay dhexmartay xulalka Brazil iyo USA ayuu sheekadaas la yimid laacibka PSG markii uu qalad uu ku galay daafac u dheela kooxda Newcastle ee DeAndre Yedlin kaddib garsooraha cayaarta ayaa qaldkaa dhigay balse Yedlin oo aad u laga yaaban jiliinka aan dhamaan ee Neymar ayaa garsooraha cayaarta ku yiri: “ Ma daawatay koobka adduunka?”

Balse dhexdhexaadiyaha dheeshu waxba kama soo qaadin hadal Yedlin isagoo ku abaalmariyay Neymar kubbada qaladkeeda lagu galay.

Arinta istuur tuurka Neymar ayaa caan ka noqotay adduunka taaso laacibku uu kusoo bandhigay koobkii adduunka xili qarankiisa Brazil ay ku hareen wareega siddeed dhamaadka tartankii ay ku guuleysteen xulka France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close