John Terry oo ka warbixiyay waxa uu u baahan yahay inuu helo Mourinho si uu Man United kula guuleysto koobab

(Manchester) 08 Sept 2018. Halyeeyga kooxda Chelsea John Terry ayaa muujiyay aragtidiisa ku aadan waxa uu u baahan yahay Jose Mourinho si uu kula guuleysto koobab kooxda Manchester United.

Red Devils ayaa kaga bilaabatay qaab aan fiicneen xili ciyaareedkan kulamada horyaalka Premier League, kadib markii ay guul gaareen 2 kulan halka sidoo kale ay guuldareysteen 2 kale, 4-tii kulan ee laga soo ciyaaray, waxayna dhanka kala sareynta kaga jiraan kaalinta 10-aad.

Laakiin John Terry ayaa wuxuu u arkaa in Jose Mourinho uu u baahan yahay inuu raadsado xidigo leh shaqsiyada sida Frank Lampard iyo Didier Drogba oo kale, si ay kaga caawiyaan in uu koobab ugu guuleysto garoonka Old Trafford.

“koox kasta waxay leedahay shaqsiyaad waaweyn, mana u maleynayo inuu shaqsiyaadkaas oo kale haatan ku heysto kooxda Manchester United”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close